Nidaamka ilaalinta Xogta & Xeerarka Adeegsiga (Privacy Policy & Terms of Use)

Ku soo dhawoow  Simrani, oo uu adeegeedu yahay ku iibinta baraha internetka badeecooyin kala duwan lana hubiyay tayadooda. Kuwaas oo laga iibsan karo bogga internetka Simrani.com ama baarnaamjiyada baraha Bulshada sida Facebook,  & Instagram.

Isticmaalka adeegyada Simrani Somali Online Shop, waxa ay ka dhigan tahay in aad aqbashay xeerarkaan:

  • Nidaamka Ilaalinta Xogta Gaarka ah

Simrani Somali Online Shop  waxaa ka go’an ilaalinta xogtaada gaarka ah marka aad isticmaalayso adeegyada Simrani Somali Online Shop. Si aan kuugu adeegno, waxaa loo baahan yahay in aan aruurinno misna keydinno xogtaada.

Mar walba oo aad soo gudbiso xogtaada, waxaa sharcigu na farayaa in aan xogtaas u adeegsanno si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta xogta gaarka ah, kuwaas oo uu ku jiro sharciga ilaalinta xogta guud ee General Data Protection Regulation (GDPR).

Boggaga internetka waxay wataan tilmaamo (Links) kugu sii xirayo boggag kale oo qayb sadexaad ah. Simrani Somali Online Shop mas’uul kama aha waxa ku qoran boggagaas, isticmaalkaaga boggagaas qatarta ka iman karta mas’uul kama nihin.

Marka aad ka adeeganeyso bogga simrani.com, waxaa dhici karta in aad ku waydiinno xog gaar ah oo kugu saabsan. Waxaa ku jira kara magacaaga, cinwaanka emailkaaga, cinwaanka aad deggen tahay (Adress), telephone ama telefoonka gacanta ama taariikhda dhalashada. Isla xogtaas waxaa lagu lifaaqi karaa dalabyadaada (Orders) iyo adeegyada kale ee la xariira  si aan raadraac ugu sameynno dalabyadaada haddii loo baahdo.

Sidaas darted marka aad isticmaaleyso boggoga Simrani Somali Online Shop, waxaad Simrani Somali Online Shop u ogolaanaysaa iyo adeegyadeeda cidda gudbisa sida shirkada xamuulka ee Alaabtaada kuu keenaya ( Package delivery service provider ) in ay xogtas u adeegsadaan kaliya wax la xariira adeegga uu qabto Simrani Somali Online Shop, waxaana suurta-ga ah in laguu soo diro ogeysiisyo la xariira adeegyadaas kaliya.

Simrani Somali Online Shop waxay kaloo adeegsataa warbixin kaydiyayaasha (Cookies). Cookie waa qayb yar oo kaydisa xog ku soo saabsan xulashadaada boggaga, ogolaanaysana in boggaga ay u qaabayso si ku haboon danayntada. Waad ku hagaajin kartaa internet-kaagu in uu aqbalo dhamaan warbixin kaydiyayaasha ka yimaada Simrani Somali Online Shop, si aad bogagga Simrani Somali Online Shop ugu isticmaasho sida ugu habboon.

Si la mid ah, waxaan uruurinaa cinwaannada IP (IP Address). iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo nidaamka adeegsiga. Waxaa kaloo aan u isticmaalaynaa cinwaanka IP si aan u go’aansanno goobta aad ka soo galeyso dal (Magaalada ama Wadanka ).

Hadii aad da’ ahaan jirto 18 ka yar, fadlan soo hel fasaxa waalidkaaga ama qofka mas’uulka kaa ah ka hor inta aadan adeegsan boggeena. Qatarta ka imaan karta adeegsadayaasha ka yar 18 mas’uul kama nihin.

Sidee Simrani Somali Online Shop u adeegsan karaa xogta uu kaa uruuriyo? Simrani Somali Online Shop oo kaliya waxay isticmaali doontaa xogtaada gaarka ah sababo dhowr ah awgood oo ay ku jiraan “ujeeddo dhinaca maamulidda adeegga ah” taasoo macnuhu yahay in Simrani Somali Online Shop ay dhici karto in ay kula soo xiriirto arrimo ku saabsan adeeg aad isticmaashay ama dalab aad sameysay awgeed.

Waxa ay xogtaadu mar walba ahaanaysaa mid qarsoodi ah inta aan ka ahayn meelaha loo baahan yahay in aan la qarin ama sharcigu ogol yahay. Hadii aad galiso ama dirto wax aan haboonayn ama wax aan la ogolayn sharci ahaan meel ka mid ah boggeena gaar ahaan qeybta qiimeynta (Review), Simrani Somali Online Shop waxaa dhici karta in ay xogta gaarka ah ee ay kaa hayso ay u adeegsato in ay joojiso dhaqamadaas oo kale.

Ilaa intee ayay Simrani Somali Online Shop kaydinaysaa Xogtaada? Waxaan haynaynaa xogtaada kuu goonida ah oo ku jiraya system ilaa iyo inta ay lagama maarmaan u noqoto adeegga aad isticmaashay. Meelaha aad wax ku biiriso sida qeybta qiimeynta, waxaa dhici karta xogtaada sida guud in oo kaliya la hayo intii macquul ee loogu baahan yahay oo la xiriira sababaha markii horeba aad u soo gudbisay.

  • Xeerarka Adeegsiga
    • Isticmaalka adeegyada Simrani Somali Online Shop, waxa ay ka dhigan tahay in aad aqbashay xeerarkeeda oo ay ka mid yihiin kan adeegsiga, sir dhowrka iyo habka alaab celinta, kuwaasi oo dhaqan gelaya isla marka aad isticmaasho adeegyadeenna. Haddii aadan oggoleyn dhamaan shuruudaha fadlan ha isticmaalin, waxna ha ku soo biirin adeegyadeenna.
    • Xog kasta oo lagu keydiyay ama lagu soo bandhigay bogga simrani.com ama/iyo barnaamijyadeeda waa hanti maskaxeed xaquuq ahaan u dhowran Simrani Somali Online Shop.
    • Simrani Somali Online Shop waxay beddeli kartaa xeerarkaan xilli kadib, sidaa darteed waa inaad iska hubisaa xeerarka si joogto ah.
    • Isticmaalkaada sii socda ee adeeggeenna waxa uu ka dhigan yahay inaad aqbashay xeerarakaan waxii laga beddelay ama lagu kordhiyay ba.

 

Si aad u hesho macluumaad waqtiga la socota kuna saabsan Nidaamka sir dhowridda ee Simrani, waxaa laga heli karaa kaliya boggaan, sidoo kale kuma qasabnin in aan kula soo socodsiino haddii isbeddel aan ku sameyno adeegyadeenna.

Mahadsanid.

Alternative Dispute Resolution in accordance with Art. 14 (1) ODR-VO and § 36 VSBG:

The european commission provides a platform for online dispute resolution (OS) which is accessible at https://ec.europa.eu/consumers/odr. We are not obliged nor willing to participate in dispute settlement proceedings before a consumer arbitration board.